17/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada Somaliya ma aadi doontaa shir lagu qabanayo Kiiniya

Qaramada midoobey ayaa qaban qaabinaysa shir goboleed Somaliya lagu casuumay oo ka dhici doona dalkaasi Kiiniya ee raba badayada isla markaana kufsi kala daalay gabdhahayaga. Kiiniya ayaa colaad toosa iyo mid dadbanba kula jirta dhacabka Somaliyeed.



Waxay dib u soo celiyeen xayiraada rakaabks ka imaanaya garoonka amaanja ee magaalada Muqdisho, waxayna bahdilaan Somalida markasta.

Shirka ayaa looga hadlayaa la dagaalanka argagixisada oo hadda galay hakad weyn, ayadoo aan ognahay in ciidanka Afrikaanka ayna xoreynin dhul cusub in muddo ahba.



Antonio Guteres ayaa 10-ka Bishan July, ka furi doono Magaalada Nayroobi kulan looga hadli doono arimaha amniga, waxase la sugaa in Somaliya aqbasho inay ka qayb gasho shir noocaasa.

Soomaaliya ayaa horey u qaadacday shirarka Kiiniya ay ku qabtaan hay’adaha ku nool magaca Somaliya oo mashruucyo bugga ku soo qaada lacag.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS