X

Dawlada Somaliya oo albaabada u xireysa jaamacado ku sheega dalka

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in jaamac ku sheega ka jira la xiri doono sida uga dhaqsaha badan. Dalka ayaa waxa ka juira jaamacado ku sheeg aan dugsi sare dhaamin oo ardeyda ka soo baxdaa ayna waxba aqoon ama waxa loo soo dhigey ayna ku shaqayn karin.


Waxa ugu wacan tayada macalimiinta iyo manhajka waxbarasho oo aad u hooseeya ayadoo ayna jirin hay’ad baadha tayada waxbarashada iyo weliba kuwa caafimaadka, taas oo keentay in qofkasta iska furto xarumo ay ugu yeeraan jaamacado qaarkoodna ku jiraan hantidii qaranka.


Wasiirka cusub ee waxbarashada ayaa sheegay in dhawaan lakala sifeyn doono laakiinse uu uga sii digey meelahaas inay tayeeyaan inta ayna seeftu la boodin oo aan laga xirin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.