X

Itoobiya oo qabasho u jartey jeneraalo Tigreeya oo xasuuq ba’an ka gaystey Somaliya

Dawlada Itoobiya oo ku dhow inay soo afjarto dagaalka ay ku qaaday falaagada Tigreega ayaa soo saartey warqad qabasho ah oo ay ku jiraan 76 saraakiil Tigree u badan oo xasuuqyo ba’an iyo jirdilo iyo kufsi ka gaystey Somaliya iyo weliba dawlada Somali galbeed.


Saraakiishaas waxa ku jira Jeneraal Gabre oo ahaa ninkii u sareeyay ee Milas Sinaawi u joogey Muqdisho oo lagu ogaa xasuuq ba’an iyo tacadiyo ka dhana bani aadamka, waxa iyana ku jira jeneraalo kale oo jirdilo iyo kufsi ka gaystey dawlada Somali galbeed.

Wararkii u dambeeyay ee ka sifeynta jeneraaladii xasuuqa gaystey gobolka Tigree ayaa si xawli ah u socda ayadoo ciidanka Itoobiya ku siqayo caasimada Tigreega ee Makale.


Jeneraaladan ayaa la sheegay in qaarkood baxsad ku joogaan Kiiniyua iyo dalalka Afrika.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.