X

Dawlada Somaliya oo beenisay inay ciidamo ku caawinayso Erduqaan

Dawlada Somaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay ama beenisay inay ciidamo calooshood u shaqaystayaala u direyso ama ku caawinayso Erduqaan dagaalka uu ka wado Liibiya.



Masar ayaa wacad ku martey haddii ciidanka Erduqaan soo dhaafo Sirte inay weerari doonaan. Sheekada Somaliya ayaa ciidamo ku caawinaysa Erduqaan ayaan la garanayn halkay ka timi.

Haddaba wasiirka arimaha dibedda ayaa beeniyay arintaas sheegayna in ayna haynin ciidan calooshood u shaqaystayaala oo u dagaalama Erduqaan.


“Ma jiraan ciidan aan u direyno Liibiya”.Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal”ayuu cadeeyay Wasiir Axmed Ciise.

Ciidamada ugu badan ee ku dhintey Liibiya ayaa ah dhalinyaro laga keenay Siiriya.C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.