X

Itoobiya oo wafti hubiya in Muuse Biixi ku xirtey Masar soo dirtey

Wasiirka maaliyada ee dalkaasi Itoobiya ayaa duhurkii maanta yimi magaalada Hargeysa ayadoo warar ay sheegayaan in horjooge Muuse Biixi ku xirtey Masar si loo carqaladeeyo biyo xidheenkeeda.


Muuse Biixi ayaa siin waftiga Itoobiya war sugan oo ku saabsan xiriirka uu la yeeshay Masar inkastoo uu sheegay in aan marnaba Itoobiya looga soo duuleyn Hargeysa.


Dadka Hargeysa ku nool ayaa walaac ka muujiyay xiriirka Masar iyo horjooge Muuse Biixi oo aan haysan taageerada gobolada uu sheegto. Wasiirka maaliyada Axmed Shide ayaa sheegay inuu dib ugula noqonaya wuxuu ka maqley horjooge Muuse Biixi.

Xiisada Masar iyo Itoobiya ayaa kacsan ayadoo ilaa hadda aan heshiis buuxa laga gaarin biyo xidheenka weyn ee ay dhisatey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.