X

Dawlada Somaliya oo cabasho ka gudbisay xafiiska UNSOM ee Muqdisho fadhiya

Dawlada Somaliya ayaa ku eedaysay xafiiska qaramada midoobey ee Muqdisho fadhiya inuu markasta wado mijoxaabin kana shaqeeyo sidey ku sii joogi lahaayeen. Waxa qoraal cabasho ah gudbiyay safiirka Somaliya.

”Weligood waxay gudbiyaan dhacdooyinka siyaasadeed ee caadiga ee ma gudbiyaan waxqabadka dawlada iyo iskaashiga looga baahan yahay dawladaha caalamka sidii dalku cagihiisa isku taagi lahaa ayuu yiri safiirka.


“Dadaallada dib u dhiska ee aan ka wadno Soomaaliya, waa inay noqdaan kuwa ay Soomaaliya hoggaamiso, oo loo arkaa kuwa ay Soomaaliya hoggaamiso, sidaas darteed, waxaan ku baaqeynaa in la dhowro madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ka digeyntaa faro-gelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.”


Safiir Abuukar Baalle ayaa sidoo kale sheegay in la gaaray waqtigii dib u eegis lagu sameyn lahaa sharciyadda xafiiska UNSOM uu kaga howlgalo Soomaaliya, ayada oo ujeedku yahay in laga dhigo howlgal ka jawaabi kari isbedellada deg degga ah ee ka dhacaya dalka, islamarkaana la jaanqaadi kara ahmiyadaha Soomaaliya, xilligan muhiimka ah.

Xafiisyada ka dhisan magaalada Muqdisho ee ku jira konteerada waxay ku dadaalaan sidii shaqadoodu u sii jiri lahayd, waxay hadda magaca Somaliya ku jaqaan malaayiin doolar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.