25/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada Somaliya oo eriday jaajuuska weyn ee Qaramada midoobey u fadhiyay Xalane

Dawlada Somaliya ayaa eriday basaaska weyn ee Qaramada midoobey u fadhiya Xalane waa ninka lagu magacaabo Nikolas Haysam, waxa la iswaydiin karaa maxay dawladu hore ugu eryi waydey mid ka xumaa isaga oo ka horeeyay oo si caadiya ugu dhex jirey siyaasaa dalka.



Ergaygan ayay ku eedaysay inuu jabiyay nidaamka siyaasadeed ee u degsan wakiilada u qaabilsan QM ee jooga dalalka caalamka ee leh xeer u degsan.



Dawlada ayaa la aaminsan yahay in Nikolas ku kacay qaranjabin si QM u sii joogto dalka una qaataan malaayiinta doolar. Nikolas ayaa bilaabay inuu warqado siyaasadeysan dawlada u diro taas oo aan shaqadiisa ahayn, isagoo la ogaadey inuu si caadiya ula saftey mucaarad ku sheega ku dhexjira dawlada gaar ahaan doorashadii Koofur Galbeed iyo qaar fadhiya Muqdisho oo uu laaluusho.



Waxa qorshahaasi fashilmey markii Baydhabo lagu doortey Lafagareen. Wuxuu warqadiisa ku taageeray argagixis Mukhtaar Roobow.

Inkastoo go’aankan la soo dhaweynayo oo Somaliya is muujinayso, waxase la rabaa in la eryo kuwa ka yimaada dawlada waaweyn ee codka ku leh QM had iyo jeerna diidan in Somaliya laga qaado cunaqabataynta sida xubnaha ka yimada Ingiriiska.



Xubnaha qaar sida Ingiriiska iyo kuwa raacsan sida Denmaak iyo Norwey ayaa la saftey ergayga la eryay sheegayna inay goosteen mucaawino ku sheeg aan la arkin halka la siiyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS