X

Dawlada Somaliya oo hawada ka celisay diyaarad Hargeysa ka degi rabtey

Waxa saaka si rasmiya u dhaqan galay go’aankii dawlada dhexe ee muddo laba usbuuca ku hakisay diyaaradaha ka imaanaya caalamka kuwaas oo ay soo raacayaan Somali qabta hargabka Shiinaha iyo ajaaniba sida dhacday.


Garoonka magaalada Hargeysa ayaa waxa laga celiyay diyaarad laga leeyahay Imaaraadka oo rabtey inay ku degto. Diyaaradan oo laga sugaayay Hargeysa ayaa wasaarada duulista hawada ku amartey inayna tagin oo dib ula laabato.


Sidoo kale garoonka Muqdisho ayayna jirin wax diyaarad ah oo ka soo degtay maanta. Dhawaan ayay ahayd markii dawlada Somaliya ay soo saartey go’aankan maanta dhaqan galay si dadka looga qabto kuwa keeni Kara cudurka hargabka Shiinaha.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.