X

Horjoogaha Butlaan oo sheegay ujeedada uu u tagayo Muqdisho

Horjoogaha Butlaan Siciid Deni oo qabsaday shir uu Ku sheegay wadatashi laakiin fashilmey ayaa ka hadlay ujeedada uu Muqdisho u tagayo xill meelkasta ka soo xirantey. Siciid Deni oo ay dabada ka wataan beesha caalamka iyo Imaaraadka ayaa jecel inuu lugna ku hayo dawlada xagna wax gooni u helo.


“Siciid Deni wuxuu rabaa inuu dib u celiyo dawlada iyo hanaanka dhamaadey ee ay wax u wado. Waxa dhamaan la dhameeyay hawlihii doorashada, waxa la isku dayay in wax laga qabto dastuurka gaaladu keensatay dalka ayuu yiri  Cali Calasow


Waa fashil mana qabo in shaqsi sidaasa iyo kuwii isaga ka horeeyayba wax laga weydiiyo danaha waaweyn ee ummada ee loo maro keliya wadada golaha shacabka ayuu raaciyay Cali Calasow oo Muqdisho jooga. Waa istus waxana khidadan u dejiyay beesha caalamka.


Si kastaba ha ahaatee Siciid Deni ayaa sumcadu ka dhimatey, wuxuu welli joogaa xilligii mahiiga iyo fadhiid Sheekh Shariif xilligaas oo dastuurka dhoodhoobka gaalada waxkasta lagu qoran jireen. Waxa u furan keliya inuu raaco horumarka dhamaadey ee siyaasada qaar laga gaaray.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.