X

Dawlada Somaliya oo ka hadashay biyo la’aan ku soo korodhey dalka

Dawlada Somaliya ayaa ka hadashay biyo la’aan ku soo korodhey dalka. Gobolo badan oo dalka ayay abaari ka jirtaa iyo webiyo gudhey sida kan Shabeele ayadoo dhinaca Woqooyiga ay abaartu soo noqotey,



Saalim Caliyow Ibroow Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaan sheegin waxa ay dawlad ahaan ka qabanayaan, codsise u dirtey hay’adaha.

Hay’adaha caalamka ayaa malaayiin doolar ku qaatey mashruucyo ayna fulin sida biyaha iyo kuwo kale oo yaryar.



Dawlada ayaan dejin wax qorshe ah oo ku aadan biyo fidinta dalka cududeedana ay isugu gaystey la dagaalanka argagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.