X

Dawlada Somaliya oo ka warantey halkey marayso soo daabacaada lacagta Somaliga: SAWIRO

Dawlada Somaliya ayaa ka warantey halkey marayso soo daabacaada lacagta Somaliga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Shir gudoomiyay Shir looga hadlaayay sidii loo daabici lahaa lacag cusub.


Lacag Somali ah oo la daabaco waxa ugu dambeysay dawladii qaranka Somaliyeed lahaa sanadii 1991. Intaas wixii ka dambeeyasy waxa dalku u gacan galay diigmiirato qabiil ku shaqaynao oo xataa bililiqaystey xubin kasta oo dawlanimo.

Wasiirka Maaliyadda Somaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in isbeddelka lagu sameynayo lacagta Shilinka Soomaaliga ah ay gabo gabo mareyso.


Wuxuu wasiir DR C/raxmaan Beyle ka mahadceliyay dadaalka saaxiibada Somaliya ee danaha gaarka leh ay ku caawinayaan dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.