X

Dawlada Somaliya oo ka xanaaqday cunaqaataynta hubka ee reer galbeedku la daba taagan yihiin

Waxa xalay markale la sii adkeeyay cunaqabataynta hubka ee Somaliya la saaray burburkii kadib ayadoo ujedadu tahay in ciidanka Afrikaanka ee dalka jooga iyo qolyaha dhiigmiiratada ee qaramada midoobey ee Xalane jooga ay sii joogaan.


”Marmarsiiyaha maanta ayaa ah in argagixisadu urursato lacago farabadan oo ay baad ku qaadaan iyo in hubku u gacan galo argagixisada, ayadoo welli la ogolyahay in qoriga AK47 keliya la soo iibsado. Somaliya ayaa ku tiirsanaan doonta ciidanka Afrikaanka inuu welli ilaaliyo madaxda bugta ah ee Xamar la doortey.

Wakiilka Somaliya u jooga qaramada midoobey ayaa daadafeeyay qoraalka ka soo baxay qaramada midoobey oo uu horkacayo Ingiriisku ee dib loogu kordhiyay cunaqabataynta, ayadoo ay ka aamuseen Shiinaha iyo Ruushka oo u tilmaamay qaraarka mid aan la qaadan karin.


”Qaraarku wuxuu iska indhatirey horumarka Somaliya ay ka samaysay dhinaca amniga ayna qalad tahay in la kordhiyo cunaqabataynta ayay yiraanheen wakiilada Shiinaha iyo Ruushka.

Ingiriiska ayaa ku farxay dib u kordhinta cunaqabataynta Somaliya kuna tilmaamay mid loo baahnaa asagoo ka raadinaya danihiisa siyaasadeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.