X

Ciidanka xooga dalka Asarbajaan oo nadiifin ku bilaabay masaajidii doofaarka lagu shubey: daawo

Kadib guusha weynayd ee ciidanka Asarbajaan dib u xoreeyeen dhulkooda laga haystey mudada 30-ka sano ayaa ciidanka xoreeyay dhulka ay hadda bilaabeen inay nadiifiyaan masaajidii Armiiniya ka dhigtey meel khansiirka lagu daadiyo.


ā€¯Waxay Armiiniya gebi ahaanba isku daysday inay masaxdo taariikhdii diinta Islaamku u lahayd dhula ay xooga ku qabsatay ayadoo caawimo weyn ka helaysa Ruushka. Hadda oo Ruushku mar labaad u soo gurmadey oo ka badbaadiyay inay laga tirtiro dhulka waxay durba ka hadlayaan in loo naxariisto.

Ciidanka xooga ee Asarbajaan ayaa muddo bila ku burburiyay ciidankii is waalayay ee isla lahaa hogaga aad ku jirtaan leydinka saari maayo laakiin loogu daatey laguna burburiyay.

Hoos ka daawo ciidanka xooga Asarbajaan oo xaaqaya masaajidka weyn ee magaalasa Shusha.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.