Dawlada Somaliya oo ciidan ahaan sii xoogeysanaysa taas oo ka caraysiisay cadowga dalka ee Wahaabiyada argagixisada, Kiiniya iyo horgoleyaasha ay biilaan ee sheegta mucaaradka ayaa qaaday talaabo ay ku hananayso xadka beenta ah ee Kiiniya la wadaagno.
Dawlada ayaa gaysay gobolka Gedo oo noqdey xero Kiiniya sidey doonto u timaado sidey doontana u disho una kufsato muwaadiniinta Somaliyeed, ciidan ilaaliya xadkaas dheer.
“Ciidamada aad arkaysaan ee la geeyay Gedo waxay qayb ka yihiin adkeynta xadka dalka iyo weliba ka hortegida in argagixisadu dhuumasho ama ka baxsato gobolka ayuu yiri sarkaal magaciisa diidey inuu sheego.
Saraakiisha ciidanka ayaa qaba inay muhiim tahay in dalku ilaashado xuduudiisa oo hadda iska ah wax ay ka adeegtaan dalalka jaarka siiba Kiiniya oo dhisanaysa derbi dhul booba.
“Waa talaabo ku aadan adkeynta xadka dalku la leeyahay Kiiniya oo inta badan lagu dhibo dadka Somaliyeed ee degan goboladaas. Kiiniya ayaa gacanta ku haysa magaalada xeebta ah ee Kismaayo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay