X

Dawlada Somaliya oo shuruudo cusub ku xirtey qaadka Kiiniya

Sida ay qoreen warbaahinta Kiiniya, waxa magaalada Muqdisho yimi iskaashatada qaadka ee dalkaasi Kiiniya oo rabay in xayiraada laga qaado qaadka ay keenaan Somaliya. Iskaashatadan ayaa ku dhow inay kacaan.


ā€¯Waxaan la kulanay masuuliyiin ka tirsan dawlada Somaliya waxayna noo sheegeen in arin siyaasadeed uu u xaniban yahay qaadku, ayna dalbadeen in madaxweynaha Kiiniya xaliyo arintaas.

Shuruudaha ay dawladu ku sii xoojisay kuwii hore waxa ka mida sidan


1: In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed.

2: In Kiiniya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya

3: In Kiiniya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya,sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah.

4: In Kiiniya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya.


Si kastaba ha ahaatee dawlada Somaliya ayaa ku taagan joojinta qaadka inkastoo aan magdhow la siin dadka masaakiinta ee ay waxyeeladu ka soo gaartey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.