X

Dawlada Somaliya oo si adag uga jawaabtey eedayn ka timi Kiiniya oo ujeeda leh

Dawlada Somaliya ayaa si adag uga jawaabtey eedayn ka timi Kiiniya oo ujeeda fog leh. Kiiniya ayaa sheegtay in hubkii loo adeegsadey weerarkii ka dhacay Huteel Dusit loo isticmaalay hub dawlada Somaliya soo iibsatey.

Malaha Kiiniya way ilowdey dagaaladii looga xoog roonaadey ee ka dhacay Gedo in looga furtey hub aad u farabadan kadibna isla hubkaa welli lagu xasuuqo Somali badan.


Kiiniya ayaa sheegtay in hubkii argagixisadu wadatey ay ku taalay calaamada Somaliya kana mid ahaa hub Somaliya soo iibsatey. Ujeedada Kiiniya ayaa ah inay sii joogto Somaliya oo daaqdo lacagta la siiyo si Somaliyana u yeelan ciidan qaran oo hanan kara dalka.


La-taliyaha dhinaca Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaga oo ka hadlay arintan waxa uu sheegay in dadka weerarka geystay ay ahaayeen Kiiniyaan, isla markaana hubka meel kasto ay ka heli karaan, aanan ognahay in argagixisadu joogto deegaano ka tirsan Kiiniya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.