X

Wararkii u dambeeyay muranka siyaasadeed ee dawlad deegaanka Somalida

Wararkii u dambeeyay muranka siyaasadeed ee dawlad deegaanka Somalida oo baryahan uu jirey ismarinwaa siyaasadeed. Dhinaca kale amniga guud ee gobolka gaar ahaan xadka uu la wadaago ismaamulada Oromada iyo Canfarta ayaa qulqulato ka jireen.


Waxa jirta cabsi guud oo Somalida u gudbeysa dhinaca Oromada ay soo sheegayaan ayadoo cabsi taas la mida ayna jirin dhinaca xadka Sonalida.

Waxa loo badinayaa inay qulqulatadan wadaan maamulka Oromada inkastoo dadka qaarkii leeyihiin inay masuul ka yihiin dadka Oromada ee wada dega Somalida oo dareensan inay haystaan dawlad taageersan.


Waxa wararku sheegayaan in golaha xisbiga looga yeeray Addis ababa halka madaxa gobolka Mustafe Cagjar qudhiisa looga yeeray Addis ababa si loo xaliyo hanaanka maamulka ee jira.

Mustafe Cagjar ayaa ah kumeel gaar inta laga soo dooranaayo madaxweyne cusub oo ay yeelato maamulka dawlad deegaanka. Muranka ugu weyn ayaa ka dhashay sidii loo qaban qaabin lahaa shirweynaha xisbiga.

Warkii u dambeeyay oo aan hadda helno ayaa madaxa dawlad deegaanka uu xilkii ka qaadey afar masuul oo loo malaynayo inay ku xiran yihiin madaxweynaha xisbiga.

C.xakiin Cigaal _ Madixii xarunta dhexe Ee Xisbigga.
2. Guleed aw-cali wasiirkii warfaafinta DDS.
3. C.xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Mac’hadka farsamada ee DDS.
4. Cabdi Bile madaxii shirkada yar yar ee DDS.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.