November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay in aan dhulkeeda taako la qaadan karin maxaase kalifay hadalkaas

Muqdisho–Dawlada Somaliya ayaa sheegtay in taako ka mida dhulkeeda aan la qaadan karin iyadoo ka digtey in xuduudaha dalka lagu sameeyo xadgudubyo. Warkan ayaa imanaya xilli Kiiniya ku hanjabeyso in ay darbi ka dhisato xadka beenta ah ee u dhexeeya Somaliya iyo Kiiniya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inaanu jirin dal ku soo xadgudbi kara xuduuda Somaliya, hal taako oo ka mid ah.

“Xukuumadda Somaliya waxay aaminsan tahay in wadan jaar nala ah uusan ku soo xadgudbi karin xuduuda wadanka Somaliya. Hal taako uma ogolaanayno cid ku soo xadgudubto xuduuda wadanka Somaliya.” Ayuu yiri Wasiirka.

Waxa sioo kale uu yiri “Arrinta ku saabsan dhisidda darbiga ay Dowladda Kiiniya qorsheynayso inay jirto, waxaan aaminsanahay inuusan waxba ka tareynin suggida amniga.”

Wasiirka waxa uu intaa ku daray “Waxaan aaminsanahay inuu dhibaato badan abuuraayo, mana aha wado ama tallaabo sax ah, oo loogaga hortaggi karo amni darada ay wadaan Shabaab.”

Kiinya ayaa toddobaadkii hore gudaha u soo gashay 7km oo ka mid ah dhulka Somaliya, gaar ahaan waxay soo gaartay Waqooyiga Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaasoo la soo sheegaayo inay damacsan tahay xuduuda inay ka hirgeliso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM