Dawlada Somaliya ayaa si kulul uga jawaabtey warbixin laga qorey.
“Maqaalkan oo watay ciwaanka “Dowlada dhibaatooneyso oo walaac galisay reer Galbeedka” waa mid been ah oo laga dhigay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kulan Hargeysa kula qaatay diblomaasiyiin, islamarkaana loo tiriyey hadallo gef ku ah seddex ganacsadayaal Soomaali ah iyo shirkado kuwaas oo kala ah Ahmed Yusuf, Hormuud Telcom Somalia, Abdirashid Ducale Dahabshiil, iyo Mohamed Yusuf Ahmed, Salama Bank” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in kulan sidaas oo kale ah uusan dhicin, aysanna u gefin sharafka ganacsatada Soomaaliyeed.
Dowladda waxay sheegtay inay walaac ka qabto in maqaalkaan loola dan lahaa in lagu dhibaateeyo xiriirka ka dhaxeeyo bulsha weynta ganacsatadayaasha ah iyo dowlada.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay