Dawlada Somaliya ayaa talaabo ka qaadey xasuuqii argagixisada eridayna masuuliyiin. Shir aan caadi ahayn oo galabta ka dhacay Muqdisho ayna ka qayb galeen golaha wasiirada ayaa lagu qaadey talaabadan.
Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta dhacdadii Musiibada Qaran ee 14kii Oktoober iyo tii shalay 28ka Oktoober.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhacdadii qaraxii hotel Nasa Hablood 2 oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen 27 qof, isla markaasna dad badan laga soo bad-baadiyey hoteelka oo ay ciidamadu u gurmadeen.
Wasiirka ayaa sheegay in 5 argagixisada Shabaab ah ay weerarka qaraxa soo qaadaan iyadoo 3 ka mid ah gacanta lagu dhigay oo ay hay’adaha amniga su’aalo weydiinayaan.
Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ugu danbeyntii cod u qaaday oo ay xilalkii ka qaadeen Taliyaha Booliiska Abdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Waa markii ugu horeysay oo masuuliyiin loo eryo hawlgab ahaan ayadoo laba xasuuq hortooda ka dhaceen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS