X

Dawlada Somaliya oo u dhaqaaqdey caruur Somali ah oo lagu gumeysto Liibiya

Dawlada Somaliya ayaa u dhaqaaqdey caruur Somali ah oo lagu gumeysto Liibiya. Dalkaasi Liibiya ayaa hadda bilaabey inay caadi u gumaystaan dadka lafahooda soo dhibey ee dalkooda yimi.



Tacadiyaha loo gaysto ayaa waxa ka mida kufsi joogta ah, jirdil, cunto yaraan iyo hoyga oo uraya. Liibiya ayaa ah dal burburey oo gaalada iyo soo raacyadoodu burburiyeen.



Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah ergayga gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi ay dawladda Somaliya u dirtey Liibiya ayaaa ka hadashay amuurtan.

Maryan ayaa sidoo kale safar ku tagtey Tuniisiya.



Maryan ayaa walaac xooggan ka muujisay dhibaatooyinka ba’an ee ay kooxaha magafayaashu u geystaan Dadka Tahriibaya , kuwaasoo intooda badan ku sugan meelo aysan Dawladda Liibiya joogin.

Lama garan karo cadadka ay soo furan doonaan ayadoo dadkan lagu haysto guryo qarsoodiya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.