X

Dawlada Somaliya oo ummada ka tacsiyeeyay geerida fanaanad Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo)

Dawlada Somaliya ayaa ummada Somaliyeed uga tacsiyeeyay geerida fanaanad Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo ku geeriyootay Hargeysa.



“Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladi iyo qoyskii ay ka baxday Allaha u naxariistee Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd fanaaniinta ugu magaca dheer dalkeenna Soomaaliya” Ayuu yiri Eng. Yariisoow.



Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeyay fanka Soomaalida ayaa in muddo ah ku xanuunsaneysay magaalada Hargeysa, iyadoo ugu dambeyn waaberigii saaka ku geeriyootay isla magaaladaasi Hargeysa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.