X

Hogaamiyaha ururka Xamaas ee Qaasa oo ku baaqay kacdoon cusub oo ka dhana Yuhuuda

Hogaamiyaha ururka Xamaas ee Qaasa ayaa ku baaqay kacdoon cusub oo ka dhana Yuhuuda kadib markii xagjir Trump uu Yuhuuda siiyay magaalo ay ka dhigtaan caasimad.

Dadka badankiisa ayaa qaba in kacdoonkan cusub dan u tahay Yuhuuda oo Maraykanku siiyo hubka ugu casrisdan ee lagu gumaado Falastiinta. Wadamada Xamaas taageera sida Turkiga ayaa u muuqda inay KALI taagan yihiin halka Sucuudigu bixiyo kharashka yYuhuudu kula dagaalanto ururka Xamaas ee akhwaan Muslimiinta.



Xaniyah ayaa sheegay in Al-Qudus tahay mid oo ayna lahayn bari iyo galbeed ayna tahay caasimada Falastiinta. Dagaalkii Carabta iyo Yuhuuda oo Maraykanku Yuhuuda hubeeyay ayaan Carabtu fulin amaradii Ruushka sidaana ay ku jabisay Yuhuuda oo 1 iyo badh milyan ahayd xilligaa.



Kacdoonka cusub ee uu ku dhawaaqay Ismaaciil Xaniyah ayaan waxa la qabin Maxamuud Cabaas oo isagu xukuma qaybta ee Falastiinta. Kacdoonka ayaa lagu baaqay beri oo Jimce ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



 

admin:

This website uses cookies.