X

Dawlada Somaliya oo war ka soo saartey colaada Tukaraq

Dawlada Somaliya ayaa war ka soo saartey colaada Tukaraq. Daraad ayay ahayd markii ciidan ka socda Somaliland ay werar gaadmo ku qaadeen Tukaraq oo nabada halka ciidanka Puntland weerar kula jiro argagixisada.



Dawladda dhexe ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka.

Dawladda dhexe waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.



Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.