X

Dawlada Somaliya oo war ka soo saartey doorashada Galmudug

Dawlada Somaliya ayaa war ka soo saartey xilifa ay dhacayso doorashada maamulka aan jirin ee Galmudug. Maamulkan ayaa laba u kala jabay halkaas oo hadda,ay saaxiib yihiin Xaaf uyo Sh Shaakir iyo maamulka Cadaado oo isaguna iskii u taagan.


Waxa dhinaca kale gobolka ka socda dagaal soo noqnoqda oo u dhexeeya qabaailka wada dega gobolka oo inta badan ah Hawiye, Dir iyo Daarood.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in Galmudug dhismaheedii hore dhibaato farabadan laga soo maray, isla markaana horay u jirtay khilaaf ka dhaxeeyey maamulkii Galmudug ee ku sugnaa Cadaado iyo Ahlusuna oo gacanta ku heysay Dhuusamareeb, hayeeshee xal laga gaaray.


Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dawlada dhexe ee Soomaaliya mowqifkeeda uu yahay in Galmudug ay doorasho ka dhacdo Bisha July ee Sanadkaan xilli labada horjooge ee Dhuusamareeb ee  Xaaf iyo sh Shaakir ay sheegeen in ay doorashada dhaceyso marka la gaaro Sanada 2021-ka oo waqtigooda uu ku egyahay.


Madaxda Maamulka Galmudug iyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay inay u taallo Shaqa adag oo ah in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo wixii khilaaf ah ee jirana wadahadal iyo si hoose loo xaliyo.

Dadka badankiisa ayaa qaba in la kala diro maamul jufeedyada si dadku u helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.