X

Dawlada Somaliya oo xilli u qabatey looga cafiyo deymaha

ARAABINEWS

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shirkii jaraa’id ee billaha ahaa ugu qabtay Muqdisho warbaahinta, waxaa uu uga hadlay guusha Soomaaliya ka gaartay deyn cafinta.

Waxa wasiirku ka qayb galay wadahadlo dhowr ah oo uu u dambeeyay kii ka dhacay caasdimada Itoobiya ee Addis ababa.


Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacagta aduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay dhameystirtay qeybta koowaad wajiga afaraad ee deyn cafinta waxaana uu dul istaagay shuruudihii ku xernaa.


Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa uu hoosta ka xariiqay guusha wadahadalada deyn cafinta inay ku xeeran tahay deganaanshaha dalka iyo in Soomaaliya ay ka soo baxdo shuruudaha horyaalo.

Ugu dambeyn ayaa wasiirku sheegay in Soomaaliya ay rajeynayso inay guul ka gaarto sanadka soo aadan ee 2020 lagana cafiyo deymaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.