November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dawlada Somaliya oo xirtey askar ka tirsan Amisom oo khiyaano lagu qabtey iyo Amisom oo war ka soo saartey

Ciidamada booliiska Somaliya ayaa ku guulaystey in ay qabtaan askar ka tirsan Amisom oo khiyaano ku kacday kadib markii lagu qabtey iyagoo iibinaya agab loo siiyay in ay u adeegsadeen hawl maalmoodkooda sida shidaalka.

WAsiirka arimaha gudaha o ka hadlay qabashada raggan ayaa sheegay in la qabtey iyagoo kula jira gacanta shidaal iyo agabyo kale oo ay iibinayaan. War ay Amisom ka soo saartey askartooda la qabtey ayay ku sheegeen in ay warkaasi heleen laakiin ay waydiin doonaan booliiska Somaliyeed sida wax u jiraan.

Maaha markii u horeysay ee Amisom lagu qabto ama lagu soo eedeeyo in askaroodu dib u iibsato shidaalka iyo hubka kana iibsadaan isla argagixisada ay la dagaalamayaan. Agabkan ayaa lagu qabtey garaash ku yaala nawaaxiga isgoyska Banaadir, waxana gacanta lagu hayaa shan ka tirsan ciidankooda.

4[1] (2) 5[1]

 

2 3 4 5 6 7 8

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS