X

Dawlada Turkiga oo bixisay dhul laga dhisi doono safaarada Somaliya: SAWIRO

Dawlada Turkiga ayaa bixisay dhul laga dhisi doono safaarada Somaliya. Danjiraha Somaliya u fadhiya Turkiga oo dhulkan isagu soo eegay ayaa waxa la socdey waaxda dhulalka ee caasimada Ankara.

Danjiraha Somalia ee Turkiga, Jaamac Ceydiid ayaa sheegay in shan bilood ka hor ay ka dalbadeen wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga dhul, isla markaana mudadaas ay ku howlanaayeen soo qiimeynta dhulka iyo sharci u sameyntiisa.



Dhulka la siiyay safaarada Somalia ayaa cabirkiisa yahay 5000-mitir oo laba jibaanan oo ku yaalla xaafadda Incek, kasoo horjeedka Jaamacadda weyn ee Ufuk University ee Magaalada Ankara.

Dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay iminka degan tahay ayaa ah dhismo yar oo kiro ah, waxaana ay ku howl galaysay toddobadii Sano ee u dambeeyay.



Dowladda Somalia ayaa horay safaarada Turkiga ee Muqdisho u siiyay dhul ku yaalla Degmada C/casiis oo u dhow xeebta Liido, halkaasoo laga dhisay dhismaha ugu weyn ee safaarad ku leedahay caalamka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.