X

Somaliya oo kaalimaha hore ka gashay dalalka Afrika ugu farxada badan

Somaliya oo kaalimaha hore ka gashay dalalka Afrika ugu farxada badan. Warbixin ay Qaramada Midoobay baahiso Sannad walba oo ku aaddan farxadda ayaa waxay Somalia ka gashay kaalimaha hore.



Warbixinta ayaa lagu sharraxay sida ay kaalimaha u kala galeen illaa 156 dal oo dunida ah, iyadoo la eegayo inta qofka uu noolaan karo, musuqmaasuqa, xorriyadda iyo qodobbo kale oo muhiim u ah nabadda iyo nolosha.

Sidoo kale, Warbixintan ayaa lagu xusay in dalka Mauritius uu kaalinta 2-aad kasoo kacay, isagoo ka saaray booska dalka Aljeeriya oo sanadkii aanu kasoo gudubnay ee 2017 ahaa midka ugu farxadda badan ee Afrika.



Dalka Soomaaliya ayaa noqday wadanka ugu farxada badan leh waddamada ka hooseeya saxaraha, isagoo kaalinta 6-aad ka galay guud ahaan Dalalka ku yaalla Qaarada Afrika.

Balse, arrin la yaab leh noqotay in dalka Liibiya oo colaado ay ka jiraan uu noqdo dalka labaad ee Afrika ugu farxadda badan, iyadoo waddankaas laga soo tabinayay sannadihii u dambeeyay dhibaatooyin loo geysto dadka kasoo Afrika ee tahriibka ku mara dalkaas.



Ugu dambeyn, Waddanka ugu farxadda badan caalamka ayaa waxaa galay sannadkan dalka Finland iyadoo sannadkii hore uu kaalinta koowaad ay ku jirtay Norway.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.