X

Dawlada Yaman oo digniin kulul ka soo saartey saldhiga Imaaraadku ka rabo Berbera

Dawlada Yaman ee magaalada Sanca ayaa war kulul ka soo saartey saldhiga Imaaraadku ka rabo Berbera halkaana kaga duulo dawlada iyo shacabka Yaman ee fiqiirka ah.



Sucuudiga iyo carabta ayaa dagaal diimeed iyaga u gaara ka wada dalka Yaman oo ay kula dagaalamayaan Muslimiin kale oo iyagu diinta ka saareen.



Imaaraadka ayaa raba in uu saldhig milatari ka furto Berbera si diyaaradihiisu uga duqeeyaan Yaman halkaasi. Waxayna keenaysaa in dawlada Yaman ka jawaabto halkaasna ku disho Somali aan shaqo ku lahayn dagaal diimeedkooda.

Shir jaraad oo dawlada Yaman ku qabatay caasimada ayay kaga hadleen in Imaaraadku doonayo in uu dagaalka u wareejo Somaliya, ayna talaabo adag ka qaadi doonaan, wixii ka soo baxana ay iyagu ka masuul yihiin.

Carabta uu Sucuudigu ugu horeeyo ayaa ku guuldaraystey Yaman oo fiqiira in ay dagaal kaga adkaadaan waxayna ku awrkacsanayaan masaakiinta fiqiirka ee Somalida iyagoo shilimaad u tuuraya kuna iibsanaya.



Wali wax wara kama soo bixin dawlada Somaliya oo ku aadan in ay iyagu saxiixeen in Berbera la siiyo Imaaraadka inkastoo Xasan sheekh hore ula saftey gacan ku dhiigle Salmaanka Sucuudiga.

Dawlada Yaman ayaa awood u leh in ay garaacdo dekeda Berbera iyo wax deganba. Imaaraadka ayaa isku halayna Maraykanka iyo Yuhuuda in ay bixiyaan bartilmaameedka.



Shirka jaraaid ayay ku sheegtay dawlada Yaman in daandaansiga Imaaraadku meelna gaarsiinayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.