X

Dawlada Yaman oo wacad ku martey inay suuqa ka saarto saliida Sucuudiga

Shalay ayay ahayd markii dawlada Yaman ee gar-wadeenka Ka yihiin Xuutiyiintu ay weerar dhaxalgala ku hubsadeen goobaha ugu weyn ee soo saara saliida Sucuudiga ku noolyahay ee uu u adeegsado inuu Muslimiinta ku soo faafiyo caqiidadiisa Wahaabiga iyo nacaybka Muslimiinta kale asagoo soo dhawaysta Yuhuuda iyo gaalada kale.


Weerarkii shalay wuxuu galaaftey goobaha ugu weyn ee soo saara saliida oo ilaa haddana holcaya. Xagjir Taram ayaa weerarkaas ku eedeeyay Iiraan kadib markii gacanku dhiigle Salmaan uu oohin Kula dul dhacay.

Gantaalaha ay wadeen diyaaradaha dawlada Yaman ee gaaladu u taqaan mid mucaarada ay dhaafay raadaaradii gaaladu ku camaysay Sucuudiga ee lacagta saliida laga gaday.


Dawlada Yaman ayaa wacad ku martay in tani ay ku xigaan weeraro Ka xanuun kulul oo Ka oohiya Wahaabiyada, oo hadda xagjir Taram iyo Yuhuudu u sheegeen inay hub kale Ka iibsadaan.

Waxa hubaala in dawlada Yaman ee fiqiirka ah ee Carab iyo gaalo isugu tagtey ay hadda ogaatey halka laga xanuujiyo Wahaabiyada ayuu yiri Cali Calasow


Marka suuqa gaaladu furmo beri oo Isniina, waxa la arki doonaa qiimaha saliida oo kor u kacay halka wadamada kalee saliida soo saara Ka faaiideysan doonaan hoos u dhaca ku yimi saliidii Sacuudiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.