X

Safaarada Somaliya ee Kiiniya oo beenisay war jirdila

Safaarada Somaliya ku leedahay Kiiniya ayaa beenisay in guriga safaarada lagu jirdiley nin u shaqayn jirey shirkad wax dhista oo wax Ka dhistay qayb Ka mida guryaha safaarada.


Shirkada iyadu qandaraaska ku lahayd ayaa dacwad la fuushey safaarada ayadoo dalbanaysa lacag gaaraysa Laba boqol oo kun oo doolar.

Dood ayaa ka dhalatay kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha sharikaddaas uu safaaradda tagay isaga oo waraaqo la xiriira kiiska dacwadda ka soo dhameynayay uu ku dooday in la xiray lana jirdilay.


Safiirka Soomaaliya ee Kiiniya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa saxaafada u sheegay in uusan jirin qof la jirdilay ama la xiray isaga oo xusay in safaaraddu aysan lahayn qolal wax lagu xiro.

Kingsley ayaa dacwaddeeda ku sheegtay in heshiiska dayactirka dhismaha safaaradda iyo Guriga Lower KabeteĀ  oo ay Dowladda Soomaaliya ku leedahay Nayroobi heshiiskeeda saxiixday sanadkii 2016kii.


Dawlada Somaliya ayaa joojisay dayactirkaas sida uu sheegay maamulaha shirkadaas kuna wareejisay shirkad kale.

Safaaradda Soomaaliya ayaan si rasmi ah uga jawaabin dacwadda maxkamadda marka laga reebo beeninta in la jirdilay lana xiray mid ka mid ah shaqaalaha shirkaddaasi oo ku dooday in gudaha safaaradda lagu jirdilay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.