X

Dawladaha Iiraan iyo Bakistaan oo si adag uga hadley gaal Quraanka ku gubey Noorway

Dawladaha Bakistaan iyo Iiraan ayaa si kulul uga hadley gaal cadaana oo fagaare dalkaasi Noorway ah Ku gubey Kitaabka Quraanka. Gaalkan xagjirka ah ayaa waxa laad la dhacay nin Muslima inkastoo uu silbadey.


Waxa markiiba soo farageliyay booliiska dalkaasi oo u gurmadey gaalkooda, difaacna u galay ayagoo raali ka ah in ay daawadaan gaal xagjira oo gubaya Quraanka.

Fuleynimada gaalkan ayaa u babac dhigi waayay wiilka dhalinyarada ah ee Ku soo booday asagoo hoosta Ka galay booliiska daawanaayay.


Waxay noqotey in waxa loogu yeero xoriyada hadalka ay caadi u tahay in lagu caayo diinteena, halka kuwa Yuhuuda  ka hadlana la eryado ayuu yiri Xuseen Warsame.


Dawladaha Bakistaan iyo Iiraan oo aan xiriir la lahayn Noorrway ayaa iyagu si qabow uga hadley inkastoo ay xooga saareen in wixii la yimaada ay Noorway Ka masuul tahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.