X

Muuse Biixi oo sii kordhiyay cabudhinta amarana soo saaray

Xilli ay taageereyaasha maamulka walaac xoogan Ka muujiyeen jitdilka iyo xarhiga joogtada ee lagula kaco dadka qaba fikradaha kale ayaa horjooge Muuse Biixi sii kordhiyay cabudhinta iyo xoriyada dadka ee uu la dagaalamo.


Amaro uu soo saaray ayuu ku sheegay in aan la shiri Karin ilaa isaga la soo ogeysiiyo mooyee. “Shir laguma qaban hoteelada ilaa lana soo ogeysiiyo waxa laga shirayo ayaa lagu yiri warqada amarka uu soo saaray.

Maaha markii ugu horeysay ee horjooge Muuse Biixi uu sidan oo kale xoriyada Ka qaado siyaasiyiinta xilli dadka shacabka caadiga ah cadow loogu dhigo Muqdisho.


Isla maanta ayaa saaxiibada Somaliya walaac Ka muujiyeen muddo korodhsashada ka dilaacday golaha wakiilada ayagoo sheegay in Muuse Biixi sii dadban u rabo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.