November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dawladaha Itoobiya iyo Yugandha oo sheegay in ay ka go’antahay ciribtirka argagixisada

Dawladaha Itoobiya iyo Yugandha oo sheegay in ay ka go’antahay ciribtirka argagixisada

Raiisal wasaaraha dawladda Itoobiya ayaa sheegay in dowladaha Yuganda iyo Itoobiya ay ka wada hadleen arimo ku saabsan isbadalka ka dhacay Soomaaliya iyo dawlada Cusub uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo ee shacabka.

R/wasaaraha itoobiya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la ciribtiro Al-Shabaab madaam uu sheegay in ay dhibaato badan ay ku hayaan Geeska Afrika.




Hoos ka dhegeyso

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in tilaabo walba oo lagula dagaalamayo argagixisada Al-Shabaab ay iska kaashan doonaan labada dowladood ee Yuganda iyo Itoobiya.



Dowladdaha Uganda iyo sidoo kale Itoobiya ayaa ka mid ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Waxaana ay dhowr jeer ay sheegeen in ay labo jibaari doonaan dagaalka lagula jiro argagixisada Shabaab.

Itoobiya iyo Yugandha ayaa dareemay isbedelka ka dhacay Somaliya hadana dareensan in xilligan dawlada Somaliya wali diciiftahay oo ay ciyaari doonaan kaadhka ah lana shaqee Farmaajoy oo waanu ka bixi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS