November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dawladaha Kiiniya iyo Somaliya oo ka hadlay duulimaadyada iyo danjireyaasha

Dawlada Somaliya ayaa ka hadashay duulimaadyada ka imaanaya Kiiniya ee dib u bilowday halka Kiiniya sheegtay in furitaanka hawada ay dan ugu jirto labada dalka. Labada wadan ayaa la rumeysan yahay in dhaqaale badan ka xanibmey.



Waxa jira boqolaal Soomaali ah oo iyagu hore u goostey diyaaradaha Kiiniya oo aan imaan karin Muqdisho iyo gobolada dalka, tana waxay ahayd tan ugu weyn ee loo furey duulimaadyada.

Labada dal ayaa dhinaca ku heshiiyay in la soo celiyo xiriirka danjirenimo ee labada dal oo muddo lix bilooda maqnaa kadib markii Kiiniya si qaawan u soo faragelisay siyaasada gudaha ee dalka.



”Waxa anaga ka wasaarad ahaan na quseeya inaan fududeyno duulimaadyada wixii siyaasad ah waxay u taalaa wasaarada arimaha dibedda ayuu yiri wasiirka duulista Duraan Axmed Faarax.

Xiriirka duulimadyada ka sokow ma jiro arinta qaadka in welli go’aan laga gaaray.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS