18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawladaha Malaysiya, Shiinaha iyo Australiya oo war ka soo saaray diyaaradii Malaysiya

Dawladaha Malaysiya, Shiinaha iyo Australiya ayaa war ka soo saaray diyaaradii Malaysiya ee badda ku dhacdey. Dawladahan ayaa sheegay in ay ku raad joogaan halka la aaminsan yahay in diyaaradu ku dhacday.

Dalalkan oo muddo laba sano raadinayay in ay helaan raqda diyaaradaasi Malaysiya ayaan wali ku guulaysan iyadoo hadda la sheegayo in laga raadinayay meel qaldan oo ay dhici karto in bayloodku waday diyaarada markii ay dhacdey.

Waxay go’aan ku gaareen in la hakiyo baadhitaankii la wadey oo mar labaad dib loogu noqdo halka loo malaynayo in diyaaradu ku dhacdey. Diyaaradan Malaysiya ayaa la waayay labo sano kahor waxyar kadib markii ay ka baxdey khadka Malaysiya oo ay gashay khadka Fiyadnaam.

Rashiid Ceelaanyo

ARABINEWS