X

Dawladu maxay ka tiri imtixaanaadkii suuqa laga helay iyo cida suuqa gelisay

Waxa maanta baaqdey imtixaankii dugsiyada sare ee gobolada dalka kadib markii imtixaankii dugsiyadaa laga qaadi lahaa uu suuqa galay. Ilaa hadda gacanta laguma hayo cida imtixaankaas suuqa gelisay.

”Waxaan shaki ku jirin in uu yahay qof ka tirsan wasaarada waxbarashada qofka suuqa geliyay imtixaankii laga qadi lahaa ardeyda. Waxa banaanbax arintaa ku aadan laga dhigey Muqdisho iyo gobolada sida Hirshabeele.


”Ardeyda Hirshabeele ayaa iyagu ku dooday maxaan u noqon weynay sida Puntland oo xor u noqon weynay maadaama la fashiliyay imtixaankii saaka anagoo intaas oo saacadood ku bixinay inaan diyaarino.

Madaxa Hirshabeelle ayaa isna sheegay in uu dawlada ka sugayo inay talaabo ka qaado cidi fashilisay imtixaanaadkii saaka la qaadi lahaa.


Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa isna sheegay in gobolkii imtixaanka suuqa geliyay kaliya la joojiyo ee gobolada aan laysku darin. sida gobolka Banaadir laakin uu taageeray joojinta guud ee imtixaanada suuqa laga helay.

Waxaan shaki ku jirin in dadkii banaanbaxa dhigaayay magaalada Muqdisho ayna badankood ardey ahayn laakiin ay jiran shaqsiyaad argagixiso ah oo raba in nisaamku fashilmo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.