X

Muuse Biixi oo jeelka u taxaabay nin ku labistey calanka qaranka dalka

Ciidanka booliiska magaalada Hargeysa ayaa jeelka u taxaabay wiil dhalinyaro ah oo ku labistey calanka qaranka Somaliya. Muuqaal aad loo daawadey ayaa waxaad maqleysaa dad ku xoomey wiilka dhalinyarada ah ee lagu magacaabo C/raxmaan Aar oo ka mida dhalinta u dooda la dagaalanka qabyaalada.


Maamulkan oo jufo gaara ku amar ku taagleyso ayaa waxa u xiran xildhiban Dhakool oo ka hadley maalinta jufadaas ee 18 May waxana xataa loo diidey in gudoomiyaha barlamaanka uu soo arko.

ā€¯Xataa dadka xirta dharkey doonaan ayaa jeelka lagu gurayaa markaa maxaa noo hadhey ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa ku sugan.


Maaha markii ugu horeysay ee Muuse Biixi jeelka ku guro dad rayigooda dhiibtey ama xirta dharka ay jecelyihiin ama Muqdisho taga inkastoo Puntland ay tegi karaan oo baasaboor ka qaadan karaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.