X

Dayib Erduqaan oo ugu hanjabay Giriiga inuu gantaal cusub la dhici doono

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa sheegay in dalkiisu horumar ka sameeyay samaynta gantaalaha haddana ay tijaabiyeen mid si toosa u garaacaya Giriiga. Mar uu ka hadlayay gardarada Giriiga ayuu sheegay inay madaxa ka garaaci doonaan.



Madaxweynaha oo ka hadlaayay samaynta gantaalkan cusub ee loo bixiyay Tayfuun ayuu sheegay in Giriigu cabsi weyn ka qaadeen, iayagoo leh mana soo gaadhi doona, ana waxan leehay HAA waa idin dulsaaran yahay.



Turkiga oo muddooyinkan dambe u dhaqaaqay dhinaca gantaalaha ridada dheerleh yaa sheegay inay hirumar weyn ka gaarayaan samaynta gantaalahaas, ayna ku rajoweyn yihiin inay dayaxa tagaan sanadka dambe marka dalku boqol jirsado.



Giriiga oo Maraykanka ka helaya caawimo milatari ayaa hubeeyay jasiiradaha aajiyanka loo yaqaan ee awal ay maamuli jireen Cusmaaniyiintu haddase gacanta ugu jira Giriiga, ayna ka buuxaan gaas iyo saliid badan.

Maraykanka ayaa hub ka soo dejiyay mid ka mida jasiiradaas, waxana sawiray diyaaradaha sirdoonka ee Turkiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.