X

Wax soo saarka beeraha dalka oo hoos u dhacay muddada

Wax soo saarka beeraha dalka ayaa aad ugu hoos dhacay lixdii bilood ee u dambeysay ee maamulka loo dhiibey Xasan Culusow sida ay noo sheegeen beeralayda gobolada Shabeelaha dhexe iyo kan hoose.



Labadan gobol oo uu maro webiga Shabeele ee biyaha ka keena buuralayda Itoobiya ayaan haba yaraatee helin adeegyo ay ka heli jireen dawladii hore ee madaxweyne Farmaajo sida abuur iyo adeegyo kale ayuu yiri Maxamed Geedow.



“Abuur waa heli jirnay waxa kale oo aan heli jirnay tababaro aan ku kordhino wax soo saarka hadda waxaas iyo kuwo kalaba daaqada ayay ka baxeen. Tan noogu daran ayaa ah in nalagu soo fasaxay hay’ado raashin keena xilliga dalagu soo go’ayo iyo kuwo nagu yiraa ciidan nafaqo idiin siinaynaa oo aan u malayno in sun ku darayaan ayuu raaciyay Maxamed Geedow.



Somaliya ayaa abuurkii fiicnaa ee ay beeran jireen loogu bedelay mid sunna oo wax weyn u dhimay ciida inta badana keenaan hay’ado iyagu u guntaday inay la dagaalamaan wax soo saarka.

Si kastaba ha ahaatee dalka ayaa baahi weyn u qaba hogaamiye samatabixiya ayadoo lagu jiro xilli xasaasiya ayuu qabaa Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.