Waxa maanta ku burburtey dalkaasi saliida badan haysta ee Koofurta Suudaan diyaarad sida cunto iyo lacag. Lacagta ay sidey ayaa la sheegay in loo waday askarta u shaqaysta hay’adaha aan dawliga ahayn.
Waxa ka badbaadey haweenay oo xaaladeedu aad u fiican tahay sida ay sheegeen masuuliyiinta dawlada Koofurta Suudaan ee garoonka magaalada Jubba ee diyaaradu ku kacday. Diyaaradan ayaan la sheegin halkey u duulaysay.
Diyaaradaha ka duula Koofurta Suudaan ayaa tayadoodu aad u xuntahay oo aan xataa qof lagu aamini karin, waana markii shanaad oo diyaaradi ku burburto Koofurta Suudaan.
Waxa ku dhintey afar qof. Lacagtii saarneyd ayaa markiiba la kala boobey, ayadoo diyaaradu holcayso/
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS