X

Diyaarada Turkiga oo u xayirantey nin laga shikiyay garoonka Muqdisho

Waxa caadiyana in diyaarada Turkiga ay ka duusho garoonka Muqdisho abaare 10:30 subaxnimo laakiin tasi ma dhicin maanta oo waxay duushey 01:30 duhurnimo kadib markii laga dejiyay nin laga shikiyay.


Ninkan aan magaciisa la sheegin ayaa diidey af-xirshada oo ah noqotey in la xirto marka meel laysku wada dhow yahay la joogo sida diyaaradaha oo kale, cudurka Koroona awgeed.

Ninkan ayaan haysanin wax cadaynaya in aanu xiran karin af-xirashada caafimaad ahaan awgeed laakiin handadaad ku bilaabay shaqaalihi diyaarada oo dalbadey inuu xirto.


Muran dheer kadib waxa ninkii laga soo dejiyyay diyaarada ayadoo laga shikiyay, waxay diyaaradu duushay 3 saacadood kadib. Dadkii saarnaa ayaa ku jacdadey gudaha diyaarada.

War kale oo faahfaahsan lagama soo saarin ninkaas galaaftey safarka dadkii kale.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.