Araabi–Deegaanada Araabi ee ismaamulka Somalida ayaa waxa saamaysay abaaro inkastoo ay hadda bilaabmeen roobabkii gu’ga oo ka curtay meelo badan oo ka mida deegaamada Araabi iyo guud ahaan Harawo ee ismaamulka. Warbaahinta Araabinews.com oo booqatay deegaano badan oo hoos yimaada caasimada Araabi ayaa indhahooda ku soo arkay abaarta jirta.
Deegaanada Araabi ayaa ku yaala dhul biyo badan leh waxana jirta in ay maqan tahay maalgelintii lagu samayn lahaa si biyahaas looga faaiideysto.
Dhawaan ayay ahayd markii caasimada Araabi ay soo foodsaartey biyo la’aan iyadoo uu jabay mishiinkii biyaha ay ka cabayeen inkastoo dadaal dheer kadib oo ay galeen masuuliyiinta magaalada iyo xubnaha ugu jira ismaamulka lagu guuleystay in dib loo hagaajiyo.
Abaaraha soo noqnoqda ee deegaanka ayaa laba u qaybsama kuwo dabiici ah oo looga baxo baryada RABI Subxaanu wa tacaalaa iyo kuwo uu keeno bani aadamka iyagoo xaalufin xun ku keena deegaanka ay ku noolyihiin sanado badan.
Goobaha ay booqdeen warbaahinta Araabinews.com ayaa waxa ka muuqatay nolol aan wanaagsanayn iyo xoolaha oo aad u taag daran. Biyaha ayaa dadku u doontaan meelo fog taas oo wax ka bedesha noloshooda.
KU xirnow warbaahinta Araabinews, nagala soo xiriir araabimedia@gmail.com
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay