X

Deeq caafimaad oo lagu diirsaday oo madaxweyne Erduqaan la soo gaadhey dalka

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu u direy Soomaaliya neef-siiye ay iyagu sameeyeen oo aan dalkale loo dirin. ”Anaga ayaa gacantayada ku samaynay kadib markii aan guul ka gaadhney dhinaca farsamada, waxaanan ugu deeqnay walaalahayaga Somaliyeed oo iyagu aanan awoodin ayuu yiri Erduqaan.


Dawlada Soomaaliya iyo shacabka ayaa ka mahadceliyay deeqda dalka Turkigu u soo direy oo aan ahayn tii ugu horeysay ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga.

Neef-siiyaha ayaa u muhiima la dagaalanka cudurka Kooro gaar ahaan xilliga xaalada xun ee ay istaagaan sambabada maadaama Kooro weerarto sambabada. Cudurka ayaa hadda ku sii kordhaya magaalada Muqdisho inkastoo tiro saxa aan laga hayn gobolada dalka oo dad ku dhinteen.


Waxaan oran karaa waa deeqdii ugu muhiimsanayd ee dalku ka helo dal ajaaniba inkastoo ay jireen deeqo aan badneyn oo yimi maadaama dalkasta la tacaalayo tiisa ayuu raaciyay Cali Calasow.

Qalabka la soo gaarsiiyay dawlada Somaliya ayaa waxa kaloo ku jira agabyo muhiima sida af-xidhka, agabka lagu baadho, dharka dusha laga xirto iyo agabyo kale oo dalka ku yar.


Dawlada ayaa rajaynaysa inay agayadaas la gaarto gobolada dalka oo aan waxba oolin. Turkiga ayaa horumar xoogan ka sameeyay dhinaca farsamada taas oo xataa uu la gaadhey agabyadaas wadamo isla qab weynaa sida Maraykanka iyo Ingiriiska.

Caawimada caafimaadka ayaa waxa ku xardhanaa calanka Somaliya iyo kan Turkiga oo uu qalinka ku duugey madaxweyne Dayib Erduqaan.

”Nagama ah caawimada aan direyno mid ilbaxnimo ee waa mid ay naftu na farayso inay sax tahay ayuu yiri Dayib Erduqaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.