X

Deeqdii Imaaraadka ee Xamar laga dajay oo lagu hungoobey iyo sababta

Dhawaan ayay ahayd markii diyaarad Imaaraadku leyahay ay qalab caafimaad ka dejisay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe. Markii dambana waxay ka dejisay Muqdisho ayadoo aan la fileyn.


Haddaba dawlada ayaa soo dhaweysay deeqdaas caafimaad ee Imaaraadku keenay laakiin la furey deeqdaas ayaa lagu hungoobey xilli la filaayay inay keenaan qalab wax ku oola.

”Waxa nooga soo baxay dareeraha gacmaha lagu dhaqo oo tayadoodu aad u xuntahay ayuu yiri masuul u hadley wasaarada caafimaadka. Ma ogtahay in dareerahaas ay ka fiican tahay adoo saabuun ama biyo caadiya ku dhaqa gacmahaaga.


”Diyaarad sidaa u baxad weyn oo dareere keenta waa mid subxaanaALLAH ileen dal yar oo sidaa u dheregsan una kibirsan wuxuu doonuu sameeyee. Somaliya miyaa noqotey qashin qub ayuu raaciyay masuulku.

Hal daawo Kuma jirin sida hawo-siiyaha sanka lagu xidho ama qalabka hawada ogsajiinta la neefsado oo muhiim u ah Kooro midna kuma jirin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.