X

Lacagta dawlada dhexe siisay 7 maamul goboleed ma u adeegsan doonaan sida la rabo

Waxa dawlada dhexe shalay ku dhawaqdey inay maamul goboleedyada oo ntooda badan ah shaqsiyaad ama 7 shaqsi lacago gaaraya 7 milyan oo ay ugu talogashay la dagaalanka cudurka Kooro.

Todobada maamul ee Baydhabo, KIsmaayo, Jowhar, Banaadir, Dhuusamareeb, Garoowe iyo Hargeysa ayaa midkiiba la siiyay min hal milyan loogu talogalay cudurka Kooro.


”Dalka oo dhan ayaanba haysanba qalabyada caafimaad ee loogu talogalay ilaalinta kalkaaliyeyeaasha caafimaad sida dharka loo xidho cudurka, neef siiyaha iyo hawada muhiimka u ah xilliga bukaanka naqafku ku dhego.

Dhamaan qalabyadaas caafimaad waxaanba haysanba dawladaha sheegta inay lacago badan haystaan horumarna ka gaareen caafimaadka sida Maraykanka, iyo Yurub, waxana iyaga laftooda u gargaaray Shiinaha, Turkiga iy Ruushka.


Haddaba Somaliya oo ku jirta taxadka wadamada aduunka burbur iyo qabiil awgeed ma heli karto dhamaan qalabkaas ilaa la caawiyo mooyee. Wadanka ugu roona haddana waa Shiinaha.

Markaa waxaad is weydiin kartaa lacagtaas halkee tagaysaa maadaama wixii cudurka loogu talogalay in loo isticmaalo aan loo isticmaaleyn.


Waxaad keliya oo aad isodhan kartaa ma dhaafayso jeebka horjoogeyaasha todobaad maamil goboleed oo qaarkod sheegtaan in dawlado yihiin.

”Waa lacag qasaartey waxase ujeedada dawladu ahayd in aan la odhan waxba ma bixin xilli cudurka Kooro ay siyaasad geliyaan fadhiidyadii hore u fashilmey ee dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.