12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Deg deg: argagixisada shabaab oo weerar ku qaaday maqaaxi ku taal xeebta Liido ee Muqdisho

Wararka laga helayo xeebta Muqdisho ayaa sheegaya in argagixisada shabaab ay weerar ku qaadeen maqaaxi ku taal xeebta Liido oo sida muuqata aan ku baraarugin weeraradii hore.

Qarax ka dib ayaa waxaa xigay weerar toos ah oo argagixisada ay ku soo qaadeen Maqaayada, waxaana sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo la dagaalamaya dhiigmiiradka.

Inta badan dadkii ku jiray Banaadir Beach ayaa ka baxsaday goobta, waxaana sidoo kale jira dad ay soo badbaadiyeen ciidanka amaanka, walina la maqlayo dhawaqa rasaasta.

La soco wixii ka soo kordha

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS