X

Deg deg: Bakistaan oo dhulka soo dhigtey diyaarado Hindiya leedahay

Wararkii u dambeeyay ee ka soo kordhey xaalada dalalka Hindiya iyo Bakistaan ayaa la xaqiijay in Bakistaan dhulka soo dhigtey laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ku soo xadgudbey xadka dalkeeda. Soo ridida diyaaradahan ayaa imaanaya ayadoo Hindiya weerartay Bakistaan usbuucan inkastoo cidi ku dhiman.


Bakistaan ayaa sheegtay in mid ka mida wadihii diyaaradahas gacanta lagu dhigey halka ka kalana diyaaradiisu ku dhacdey dhinacs khadka cagaaran ee kala qaybiya labada dhinac.

Wadaha diyaarada ayaa la soo bandhigey iyo weliba diyaarada la soo ridey oo aad u burburtey. Bakistaan ayaa sheegtay inayna gacmaha ka laabanayn ee ay difaaci doonto dalkeeda inkastoo laga hub badan yahay lagana ciidan badan yahay.


“Mar rabno inaan sii kiciyo xaalada Hindiya abuurtey laakiin haday nagu qasbayso Hindiya ayadoo cadayn hayna dalkayaga soo weerartay waxba kama qabno ayuu yiri jeneraalka ciidankiisu soo ridey diyaaradaha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



U

admin:

This website uses cookies.