22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

DEG DEG:-Ciidamada Puntland oo Xabsiga Dhigay 80 Ruux oo Itoobiyaan Ah oo Lagu Qabtay

Garoowe–Ciidamada ammaanka Puntland ayaa magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal waxa ay ku xireen muwaadiniin u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay sheegen inay ahaayeen Tahriibayaal. Dhamme Faarax Cabdullaahi Maxamed oo ah taliyaha saldhiga magaalada Garoowe ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaan la qabtay ay ahaayeen 80 qof oo Rag iyo dumar ah, laguna qabtay duleedka Garoowe.

Waxa uu sheegay taliyaha in dadkaan hadda ay xiran yihiin, markii la qabanayayna kusii jeedeen dhanka magaalada Boosaaso oo ay doonayeen in ay Yemen kasii aadaan, waliba si tahriib ah.

Sidoo kale waxa ay ciidamada Puntland xireen Seddax darawal oo kaxeynaysa gaadiidkii dadkaan lagu tahriibinayay.

Gobolada Puntland ayaa ah marin ay si maraan ajaanibta u tahriibeysa wadamada Carabta halkaas oo ay la kulmaan kufsi, dhac iyo jirdil.

Waxa Puntland degan tahriibayaal aad u farabadan oo ka yimi Itoobiya una badan oromada Muslimiinta ah ee ka imanaya deegaanadooda Itoobiya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM